AKHRISO:- Dowladda Suudaan Oo Marti-Gelinaysa Wada-Xaajood Nabadeed

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Al-dirdiri Maxamed Axmed waxa uu ku dhawaaqay inay toddobaadkan marti gelin doonaan Wareeg kale oo Wada-xaajoodka Nabadda ee dalka Afrikadda Dhexe (Central Africa Republic), kaasi oo ka furmi doona caasimadda Sudan ee Khartoum.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Kulankaasi ka soo qeyb geli doonaan Ergooyin ka kala socda Dowladda Afrikadda dhexe iyo 14 kooxood oo mucaarad ku ah Dowladda dalkaasi.

Shirweynahaasi ayaa la filayaa inuu furmo bishan Janaayo 24-da, sida uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Khartoum.

Kulankaasi oo uu Ururka Midowga Afrika soo qabanqaabiyey ayaa la sheegay in looga hadli doono qoddobo ay ka mid yihiin: Is-cafin Guud, Awood-qeybsiga Kooxaha Siyaasadda iyo Dhaqan-celinta iyo Heshiisiinta Dagalaamayaasha Kooxaha ka dagaalama dalkaasi.