DHAGEYSO:- Xildhibaan Dalxa ” Qof kasta ayaa noqon karra Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee somaaliya

0

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa todobaadkaan meel-mariyey wax ka bedel lagu sameeyey xeerka Bankiga Dhexe ee dalka.

Sharcigan la hor geeyey xildhibaanada ayaa waxaa ogolaaday 158 xildhibaan, ayada oo 17 ay diideen, waxaana la sheegay inaysan jirin cid ka aamustay.

Xeerkan cusub ayaa ogolaanaya in xilalka maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ay qaban karaan dad aan Soomaali ahayn.

Arrintan ayaa imanayesa ayada oo warbahainta Soomaalida ay aad u werineyso in qof aan Soomaali ahayn la doonayo in loo magacaabo guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Hadaba xildhibaan Maxamed Cumar Dalka oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya ayaan ka waraysanay xeerkaan ay ansixiyeen iyo muranka ka dhashay