FAALO:- Doorashadii Puntland 2019 iyo Casharada laga bartey.

0

Puntland waa maamul goboleed Jira in kabadan 20 Sanno wuxuuna leeyahay Dastuur iyo Sharciyo u gaar ah oo kala haga Hay,daha dawlada kuwa Bulshada kuwaasoo ay sameeyeen madaxdii soo maray Puntland mudadaasi ay jirtay kuwaasoo madaxwayne walba maalin meel kasoo qaadayey.

In kabadan 4 Doorasho ayaa ka dhacday gudaha deegaanada Puntland kuwaasoo ku kala duwanaa habka Doorashada iyo Fahanka Bulshada ee dhanka Doorashada Sanadahaasi ka dhacaysay gudaha deegaanada Puntland.

Doorashadii 2014 ee ka horaysay midii 2019 hadii aan fiirino waxaa Musharax madaxweyne u taagnaa 11 Musharax kuwaasoo dhamaantood doonayey inay qabtaan Hogaanka dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed iyadoona sidoo kale ay ku xigeen u sharaxnayeen 10 Musharax kuwaasoo gaba gabadii ay ka soo baxeen Madaxweynihii Waqtigiisu hada dhamaaday C/wali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigenkiisa C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey.

2014 Wareegii ugu danbeeyey Doorashadii Puntland waxaa isugu soo haray Madaxweynayaasha kala ah C/raxmaan Faroole waqtigiisu markaas dhamaad ahaa iyo C/wali Maxamed Cali Gaas oo Xilal kaladuwan horay uga soo qabtay dawladihii kumeel gaar ahaa ee ka jiray dalka Soomaaliya.

2019 Doorashada ka dhacday Puntland waxay ka duwanayd midaas oo waxay ahayd doorashadii ugu xamaasadda Badnayd abid taasoo keentay in Bulsho badan oo reer Puntland ah ku kala Aragti duwanaadan Musharaxiinta sanadka u taagnayd Xilka Madaxtinimada kuwaasoo gaarayey ilaa 21 Musharax madaxweyne u taagnaa iyo ku xigeenada 11 Ahaa.

Doorashaada 2019 waxay kale oo uga duwanayd sanadkii hore Wariyaashii ka hawlgali jiray Puntland ayaa Qaybtood isku bedeleen u ololaynta Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Puntland ee 2019 taasoo keentay in lagu dhex arko dhalinyaro badan oo Wariyaal ah kuwaasoo Muqaalo iyo Sawirro Qurax badan ka Gadaya Shacabka iyo Siyaasiinta si loo doorto Musharaxa ay la socdaan.

8 January Maalin Talaado ah 2019 waxaa Hoolka Baarlamanka Puntland ka dhacday doorashada Madaxtinimada Puntland 5 Sano kadib Xil hayntii Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa waxaana Doorashadaasi madaxweyne u tartamayey 21 Musharax oo ku jiro Madaxweynihii hore ee Puntland ee markaasi xilku ka dhamaaday.

Doorashadaas oo ahayd mid ka duwan doorashooyinkii hore ayaa waxaa wareegii koowaad kasoo baxay 3 Musharax halka ay ku hareen 17 Musharax kale kuwaasoo qaarkood aysan helin wax cod ah kuwa kalana aysan dhaamin oo ay heleen Codad yar.

Wareegii labaad Doorashada 2019 ayaa waxaa isugu soo haray labo kamid ah Musharaxiintii markii hore soo baxay waxaana ay kala ahayeen Asad Cismaan C/laahi iyo Siciid C/laahi Dani kaaso gaba gabadii ku guulaystay Siciid C/laahi Dani oo noqday madaxweynaha 5 Sanno ee Soo socota hogaaminaya Puntland iyadoona ku xigeen ay u tartameen 11 Musahrax ayaa 3 Kamid ah ay iska casileen Xilkaasi iyadoona 8 Nin ay doorashadaasi ku galeen kadibna uu ku guulasyta Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Waxyaalaha kale ee Sanadka Taariikhda Galay ee Doorashada 2019 waxaa kamid ahaa Maalin ka hor Doorashada oo musharaxiin Badan ay jeediyeen Khudbado ay ku dhaliilayeen madaxweynaha Xilkiisu uu dhamaaday 20 Musharax oo kasoo hadlay waxqabadkiisii kuwasoo dhamaan dhaliilay waxqabadkiisii ayuu noqday Musharaxii ugu danbeeyey ee Khudbad ka jeedaya Baarlamanka Hortooda isagoona Muujiyey Dulqaad oo khudbaddii guusha uu qaatey Madaxweynaha xilka ka degaaya Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas kadib markii uu jeediyey khudbad taariikhi ah,oo uusan cidna uga Jawaabin Eedihii loo jeedinayey Waxqabadkiisa.

14 January 2019 ayuu ku wareejiyey Xilka madaxweynaha Cusub ee Puntland 2019 loo doortay Siciid C/laahi Dani halkaasi Khudbadii uu ka jeediyey Madaxweynihii hore C/wali Gaas ka codsay Bulshada Soomaaliyeed inay Cafiyaan Cid kasta oo Wax ka tabanaysa intii uu xilka hayey taasoo noqotay Hadal haynta ugu badan Baraha Bulshada.

Gaba gabadii Doorashadii Puntland waxay Noqotay mid taariikhada Gashay tasoo muujisay Dawlad iyo Shacab midaysan iyadoo uu madaxweynaha Cusub iyo ku xigeenkiisa ay uga mahad celiyeen madaxdii ka horaysay iyo dadaalkoodi Waxqabad.