DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Aqbalay Go’aan Ay Qaateen Madaxda Puntland Iyo K/Galbeed

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha KGS ayaa u mahad celiyay musharixiintii ka qeyb gashay doorashada iyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweyne Koonfur Galbeed Cabdi Casiis laftagareen iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cali Cismaan(Karaash) ku raacay hadal ay munaasabada ka sheegeen oo ahaa in uu isbedelay xiriirka Dowladda iyo dowlad Goboleedyada,isla markaana ay dib u heshiisiin sameynayaan.