Wararkii ugu dambeeyey weerarkii Kenya,QM iyo Mareykanka oo cambaareeyey

0

Waxaa sii kordhaya khasaarihii ka dhashey  weerarkii ka dhacay Hotel Dusit2 ee xaafadda Wesland ee Nairobi,kadib markii kooxo huabysan ay qaraxyo iyo rasaas ay ku weerareen halkaasi,balse ciidamada ammaanka ayaa dad badan ka badbaadiyay weerarkaasi.

Sida uu qorey wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxay dalka Kenya,ilaa 6 qof ayaa lagu soo waramaya in ay gaartay dhimashada,halka ilaa 30 qof dad lagu qayaasayana ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa lagu dabiibayaa isbitaalada kuyaala magaalada Nairoobi,kuwaasi oo isugu jira Kenyan iyo dad kale oo ajaanib ah oo ku sugnaa hotelka weerarka uu ka dhacay iyo ag agaarkiisa.

Joseph Boinnet oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalka Kenya ayaa sheegay in 5 qof ay ku dhinteen maqaayad ku taala hotelka,kadib markii qof naftii halige ah isku qarxiyay halkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in haatan dalka uu yahay mid bad qaba islamarkaana ay ku guuleysteen xakamaynat weerarkii ka dhacay Westland,Fred Matiang oo ha wasiirka amniga gudaha dalkaasi Kenya ayaa sheegay in dhismayaashii weerarka uu ka dhacay ay haatan yihiin kuwa ammaan ah,ayna ku sugan yihiin ciidamada nabad geliyada.

Fred Matiang wuxuu sheegay in marnaba aanay guuleysan doonin argagixisada,isago ugu baaqay shacabka Kenya in ay muujiyaan dowrkoodi ku aadan ka hortaga falalkaasi guracan.

Dhanka kale Mareykanka iyo QM ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkaasi, Antonio Guterres xog-hayaha guud ee QM ayaa muujiyay in ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Kenya.

Sidoo kale war ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu kala shaqeynayo Kenya sidii looga caawin lahaa amniga iyo xaqiijinta iyo ay jiraan muwaadiniin Mareykan ah oo waxyeelo soo gaartay iyo in kale.