Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxiso ee Nairobi

0

War-saxaafadeed ka Soo soo Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay weerarka argagaxiso ee lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.