DEG DEG:- Qarax Hadda ka dhacay Muqdisho

0

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid gaari,isla markaana uu ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Hotelka Karmel.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga oo ahaa nooca loo yaqano Qooqanta uu qarxay xilli uu wadada socday,hayeeshee ana weli la cadeyn in uu ku xirnaa qaraxa iyo in Wadada uu ku aasnaa.

Qaraxa kadib ayaa Gaariga waxa ka kacay dab xoogan kaa soo uuradiisa laga dareemay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir.