SAWIRRO:-Wasaaradda Qorsheynta XFS oo maanta kulan wadatashi ah la yeelatay ururada Bulshada Rayidka

0

Wasaaradda Qorshenta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  Wadatashi ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad (QHQ9) la yeelatay ururada Bulshada rayidka oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hadafka wadatashigan ayaa ah diyaarinta iyo qorista Q0rshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad(QHQ9aad) ee uu dalkeena yeelanayo iyada oo lagu saleenayo yarenta Saboolnimada ama faqriga. (interim Poverty Reduction Strategy compliant iPRSP).

Inta uu socday wadatashigan waxaa si wayn diirada loogu saaray qodabada kala ah  Qeexitaanka Saboolnimada ,Qaadaa_dhigista Xaalada Saboolnimada ee Soomaaliya oo ka qeygalayaasha ka socda urarada Bulshada rayidka iyo Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Asad Yuusaf Qanyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay muhiimada Wadatashiga maanta uu  dalka u leeyahay iyo geedi socodka Qorashaha Horumarinta Qaranka(QHQ9aad).

“Waxaan maanta wadatashi ku aadan Wareegga kowaad ee (QHQ9aad) la yeelanay urarada Bulshada rayidka,waxaan si wayn qeexnay tubaha qorshaha Horuarinta Qaranka Sagaalaad oo muhiimad u leh geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya oo guula laga gaaray, waxaan dowladda ka go,an yareenta Sabaalnimada tasoo dowladda ahmiyad wayn siinayso.

“wadatashiga waa mid dhamaan umadda soomaaliyeed la yeelanayo waxaana wadi doonaa wadatashiga oo aan dhageystan doonaa umadda Soomaaliyeed tasoo ay ka go,an tahay madaxda qaranka anaga diyaar u nahay inaa sanadkan diyaarinta qorista Qorshaha Horumairnta Qaranka (QHQ9) ayuu yari  Agaasimha Guud”

Ugu  dabeyn urarada Bulshada rayidka  ay soo dhaweeyay  wadatashigan Qorashaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad (QHQ9aad) oo maanta laga tala_galiyay taas ay ku amaaneen Wasaaradda Qorsheynta oo ahmiyad siinayso bulsushada in ay baahiyahooda gacantooda ku qortaan iyo  sidoo kale bogaadiyay diyaarinta Qorshahan oo ay diyaarinayaan qubra Soomaaliyeed isla amrkaana hogaanka qorshahan ay leedahay umada Soomaaliyeed tasoo ah talaabo wanaagsan.