SAWIRRO:-Wararkii u dambeeyay weerarkii Magalada Nairobi

0

Booliska dalka Kenya ayaa sheegaya in ay gaareen dabaqa lixaad ee hoteelka la weeraray, ayna rajeynayaan in goor dhow ay weerarkaasi soo afjari doonaan.

Taliayaha booliska Joseph Boinett ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay uu hoteelka ka soo galay albaabka, sidaana ay ugu fududaatay in ragga hubeysan ay gudaha u galaan. Ilaa haatan lama shaacin khasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi. Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in afar nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hoteel iyo xafiisyo, waxaana la arkayay iyaga oo samatabixinaya dadkii ku xayirnaa gudaha dhismahaasi.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, iyo dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay. Ciidamada ammaanka ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay.