SAWIRRO:-Wafdi ka socda puntland oo gaaray magalada Baydhabo

0

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi ka socda Dowlad goboleedka Puntland,kuwaas oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafiga waxaa hoggaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cali Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed dhoobo Daareed,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.