SAWIRRO:-Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland oo Kormeer Ku Sameeyey Xaafiisyada Madaxtooyada ee Maamulkaasi

0

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyey xafiisyada Madaxtooyada Puntland, oo ay ku sugnaayeen saraakiisha xafiisyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa u kuurgalayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isla markaana waxa uu korjoogtaynayey habsami u socodka qaab dhismeedka shaqda Madaxtooyada Dawlad goboleedka Puntland.

Dhinaca kale shaqaalaha xafiisyada Madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweynaha ku qaabiley soo dhaweyn iyo qaabilaad laga dheehan karay farxad ay u qabaan madaxweynaha cusub ee Puntland, islamahaantaana waxay ka warbixiyeen qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayadu.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqaalaha xiifiisyada Madxtooyada Puntland uga mahad naqay qaabilaada iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana uu kula dar daarmay in shaqada ay u hayaan bulshada ay tahay shaqo qaran loogana baahan yahay dar-dar galin iyo masuuliyad adag.