SAWIRRO:-Ciidamo loo diyaariyay la-dagaalanka Shabaab oo dhoolatus Millateri ku soo bandhigay duleedka Muqdisho

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Abaanduullaha Ciidanka XDS S/guuto Odowaa Yuusuf Raage,Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta iyo Saraakiil kale ayaa maanta ka qeyb galay dhoolatus Malatari oo ay sameeyeen Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaasi oo loo diyaariyey la-dagaalanka Al-shabaab.

Ciidamada dhoola-tuska sameynayey ayaa soo Bandhigay Dabrid iyo xirfadaha kale ee dagaalka oo ay barteen muddadii tababarka uu u socday.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in Ciidankaan ay Muddo qadaanayeen tababaro kala duwan, isla markaana loo carbiyay la dagaalanka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa waxa uu Tilmaamay in uu aad ugu farxay dhoola-tuskii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen Ciidanka, isaggoo kula dardaarmay inay noqdaan kuwa kasoo baxa waajibaadka Qaran ee loo igmaday.