DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Xildhibaanadii Mooshinka Ka Keenay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinkii laga keenay Madaxweynaha ee markii dambe xal laga gaaray.

Waxa uu sheegay in xilligii mooshinkaas laga keenay uu xiriir la sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka,isla markaana uu u sheegay in mooshinkaas ay ka dambeeyeen kooxda Qabyo oo uu ula jeeday Xildhibaanada taageersan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Markii mooshinka la iga keenay ee aan la xiriiray guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uu ii sheegay in mooshinka ay ka dambeeyeen xildhibaanada Qabyo,qaarkood ay ku jiraan saxiixyo laga been abuurtay oo Xildhibaano dibada ku maqan ay ku jiraan,ana waxaan u sheegay mooshinka inuu qabyo yahay maadaama wax walba ay qabyo uga tagaan ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Isaga oo khudbad ka jeedinayay Madaxweynaha yuu sheegay in Guddomiyaha uu u sheegay in Xildhibaanada mooshinka keenay ay doonayaan in lagu daro guddiga hanta soo celinta,si ay isugu soo dhaweeyaan Shacabka Soomaaliyeed.