Akhriso:- Qarax lagu weeraray Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Deeyniile

0

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada gubta e degmada Deeyniile,waxaana la sheegay in lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo u la socday mas’uul ka tirsan Maamulka degmadaas.

Goojooge ku sugan Xaafada Gubta ayaa sheegay in Miina nooca dhulka lagu aaso ah ay ku qaraxday halka loo yaqaano Barxada Cali Xasan,isla markaana xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta marayay mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Deeyniile.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba ruux oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenka Waaxda Barwaaqo ee degmada deeyniile oo lagu Magacaabo Cali Saalax iyo askari kale.