Al-Shabaab oo Sarkaal katirsanaa Daacish ku dishay Bu’aalle

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Bu’aalle ee gobolka Jubbadda dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Shabaab ay ku toogteen Sarkaal ka tirsan Ururka Daacish ee ka dagaallama Magaalada Muqdisho iyo degaanada maamulka Puntland.

Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] ayaa lagu toogtey degmada, kadib markii Sirdoonka Al-Shabaab ay sheegeen in ninkan uu xiriir la leeyahay garabka Daacish uga dagaalama Soomaaliya sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Abu Zakariye ayaa horey isku khilaafeen Al-Shabaab markii uu dilay hogaamiye katirsanaa Daacish oo lagu magacaabi jira Bashiir Abu Nucmaan sanadkii 2016-kii.

Wadahadal kadib ayuu dib ugu laabtey Al-Shabaab, oo markii hore ka cararay, isagoo mudooyinkii dambe ku nooloo, kana barbar dagaalamayay Kooxdan xiriirka la leh AlQaacidda ee Daacish.