Akhriso:-Maamulka Jubbaland Oo Sameeyay Magacaabis Cusub

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa taliye Cusub oo dhinaca Amniga ah u Magacaabay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wareegto kasoo baxday Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad goboleedka Jubbaland Janeraal Aaden Koojaar ayaa Gaashaanle dhexe Siyaad Macalin Bashiir loogu magacaabey Taliyaha Amniga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.