AKHRISO:- Muwaadin Dhalashadiisa Lagu Murunsanaa Oo Lumiyey Rafcaan Uu Ku Sii Joogi Lahaa Norway

0

Maxkamadda Rafcaanka ee Borgarting ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Oslo waxay daaqadda ka tuurtay Rafcaan uu qaatay Mahad Maxamuud, isla markaana Kansal-gareysay Muwaadinimadiisa Norway (The Norwegian citizenship).

Wargeyska Aftenposten ayaa qoray in Mahad Maxamud oo dalka Norway tegay sannadkii 2000 uu sheegtay inuu yahay Muwaadin Somali oo 14-jir ah, waxaana la siiyey Deganaansho KMG.

Sannadkii 2008-dii waxaa la siiyey Dhalashadda ama Muwaadinimadda Norway, waxa uu bartay Cilmiga Biyoengineer, isagoo shaqo ka helay Isbitaalka Ullevål Hospital.

Sannadkii 2013-kii, Guddiga Rafcaanka Muhaajiriinta ee dalkaasi (UNE) waxay heleen Far-muuqis ku aadan inuusan Mahad Maxamuud ahayn khiyaanay Maamulayaasha dalka Norway,

Boliska waxay la xiriireen isaga, waxay fureen baaritaanka Kiiskiisa, iyadoo 3 sanno kadib ay Guddiga Rafaanka Muhajairiinta ee dalkaasi u soo baxday inuu Mahad Maxamudu oo 29-jir ah uusan ka imaanin Somalia.