DHAGEYSO:-Maamulka G/Shabeellaha Hoose Oo War Ka Soo Saaray Weerar Ciidamo Somali Iyo Mareykan Fuliyeen

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelleha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa faah faahin ka bixiyay weerar qorsheysan oo Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah ka fuliyeen Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa xalay ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo 12km u jira degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo ay Gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab,hayeeshee dad Shacab ah aan waxba lagu gaarsiin.

Hoos ka dhageyso codka