DHAGEYSO:- Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashoyinka Qaranka oo diiday xil ka qaadistiisi

0

Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka ee xilka ka qaadista lagu sameeyay Sayid cali ayaa ka horyimid arrinkaasi.

Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in 10-ka bishaan ay soo gaartay warqad ka soo baxday xubno ka tirsan Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka oo ku aadan inay xilka iyo xubinnimadii Guddiga uu ka haayay laga xayuubiyay,iyadoona qoraalkaasi uu ku saxiixnaa Guddoomiyaga Guddiga Doorashooyinka Xaliimo yarey.

Waxa uu eedeeymo kala duwan uu u jeediyay Guddiga Doorashooyinka qaranka oo ay Guddoomiye u tahay Xaliimo Ismaaciil Yarey.