Dad Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0

Shilkaan oo khasaaro dhimasho ah geystay ayaa waxa saakay uu ka dhacay degmada Waaberi gaar ahaan inta u dhaxeysa labada bundo meel u dhow Baar ha I dhaafin.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaari nooca Xamuulka qaado ah iyo Gaari kale oo yar ay isku dhaceen,kadib markii Gaariga nooca Xamuulka qaado ah uu fariin goostay.

Inta badan Magalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca shilal,kuwaas oo waxyeelo ay kasoo gaarto dad Shacab ah.