Ciidamadda Mareykanka iyo Kuwa Dowladda oo Duqeyn Ka Fuliyay Shabeelaha Hoose.

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar  duqeyn ahaa ay Ciidamadda Mareykanka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay xalay ku qaadeen Tuulada Hantiwadaag oo qiyaastii 12 KM ujirta degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkaan ayaa la sheegay in lala beegsaday Saldhig Xarakadda Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaankaas.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaan xalay ka dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale warbaahinta kooxda Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Dowladda Federaala Soomaaliya ay gubeen Guryo ku yaala deegaanka Hantiwadaag ee Shabeelaha Hoose.