AKHRISO:- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Garoonka Diyaaraha Muqdisho Ka sagootiyay Saraakiil Dalka Dibadiisa Tababar loogu qaaday

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka Sagootiyay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno Tababar kusoo qaadanayo Dalka Dibadiisa.

Saraakiishaan iyo Askartaan ayaa in Mudo ah tababaro kala duwan ku qaatay Gudaha Magaalada Muqdisho

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyaha.Ciidanka Xoogga Dalka oo warbaahinta kula Hadlay Gudaha Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay Saraakiishaan.iyo Askartaan ay soo qaadanayaan Tababar qaas ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa u mahadceliyay Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka Tababarada Ciidamada Soomaaliya.