AKHRISO:- Diblomaasiyiin Soomaali ah oo u kicitimay Sacuudiga si tababar diblomaasiyadeed ugu soo qaataan

0

Lix diblomaasi Soomaali ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u kicitimay Magaalada Riyaadh, si ay uga qeybgalaan tababar la xiriira qaanuunka diblomaasiyadda iyo qunsuliyadda oo socon doona muddo hal todobaad ah oo uu bixinayo Machadka Amiir Sacuud Alfeysal ee Daraasaadka Diblomaasiyadda.

Tababarkan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah ee dalka aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku deeqo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012.