SAWIRRO:-Waxyeeladii Uu Geystay Dabkii Ka Kacay Bakaaraha

0

Kooxaha dab-damiska ayaa ku guuleystay inay damiyaan Dab xoogan oo xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Dabka ayaa lasoo sheegayaa inuu ka bilowday qaybta lagu iibiyo Huudheyda, wuxuuna kusii faafay qaybaha kale ee ku dhow.

Khasaaraha badan ee uu dabku sababay ayaa lasoo sheegayaa inuu yahay mid Hantiyadeed, wallow ay jiraan dhaawac dad soo gaarey.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu soo waramayaa inay waxyeelado kasoo gaartay Rasaas ay ganeen ciidamada amniga, taasi oo timid markii looga shakiyay inay boob damac-san yihiin.