SAWIRRO:-Jubbaland oo Odayaasha Dhaqanka ka dalbatay ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Shabaab

0

Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa uu kulan ku dhexmaray Odoyaasha dhaqanka degmada Afmadow iyo wasiirada qaybta ka ahaa wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ee maal mahan kusugnaa degmadaas.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii Odoyaasha dhaqanka ay ugu qayb qaadan lahaayeen horumarka degmada afmadow iyo ka shaqaynta is-dhaxgalka bulshada.

Sidii loo taageeri lahaa howlgalada xoreynta Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka dhexmaray madax dhaqameedka degmada Afmadow iyo wafdiga wasiirada ah ee katirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Odoyaasha dhaqanka degmada Afmadow ayaa Dowlad-goboleedka Jubbaland ku ammaanay dedaalada lagu xoreynaayo deegaanada ay weli Al shabaab Gacanta ku hayaan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyada Jubbaland Cabdirshiid Jire Qalinle ayaa madasha ka ballan qaaday in wasaarada maaliyadda Jubbaland ay dhowaan degmada Afmadow ka hirgelin doonto xafiis loogu talagalay qaadista canshuuraadka degmada kaasi oo dhowaan wasaaradda Maaliyada qorsheynayso in ay shaqaale cusub u diiwaan geliso.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Jubaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa Odoyaasha dhaqanka kula dardaarmay in ay marwalba dadka ku baraarujiyaan ka qayb qaadashada horumarka islamarkaana ay ka qayb qaataan howlgalada lagu xoraynaayo deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland.