SAWIRRO:-: Jaamacadda Ummadda oo dhawaan soo saareysa Dufcaddii ugu horreysay

0

Jaamacadda Ummadda waxaa ay koldhow isu diyaarineysaa in ay soo saarto dufcaddii ugu horreysay ee Jaamacadda ka soo baxda, kuwaas oo si gaara u bartay Culuumta dhaqaalaha.

Ardaydan oo Afartii Sano ee u danbeysay ka billowday Jaamacadaan oo ay tiradoodu gaareyso 25, ayaa imminka ku howlan diyaarinta Buugga, sida uu sheegay madaxa Kulliyadda dhaqaalaha ee Jamaacadda Ummadda Prof; Xasan Cismaan Gacal.

Prof: Gacal ayaa intaa raaciyay in muddo badan laga soo shaqeynayey sidii Ardaydan lasoo saari lahaaa, wuxuuna xusay in ay haatan marayaan qaybihii u dambeeyay ee daraasaddooda.

Admiral; Axmed Faarax Qare, oo bare hore ka ahaa Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay inauu aad ugu faraxsan yahay in halkii uu Casharrada ka bixin jiray 40 Sano ka dib uu goob-joog ahaado Arday ka aflaxaysa iyo dufcaddii u horreysay oo ka baxaysa.

Jaaamacadda Ummadda ayaa dib loo howlgaliyey August 16, 2014 Afar Sonno ka hor, waxaana lagu billaabay Hal qeyb oo kaliya, waxaana haatan lagu biiriyay Kulliyado kale oo muhiim ah.