SAWIRRO:-Dood ku saabsan doorka Bulshada Rayidka ah ee hanaanka dhismaha dowladnimmada oo lagu qabtay Muqdish

0

Doodaan oo ay ka qayb galeen madaxda bulshada rayidka ee dalka, aqoonyahanada  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada a oo ay soo qaban qaabisay madasha Kulan forum ee aragti is waydaarisga (Kulan Forum for ideas and debates) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Cinwaanka dooda oo ahaa  Xoojinta Doorka Bulshada Rayidka ah ee hanaanka dhisida Dowladnimmada Soomaaliya, ayaa waxa qayb ka ah martidii kasoo qeyb gashay.

Cusmaan  Muxayadiin Macalim (Shaatax) -Guddoomiyaha Ururda Bulshada Rayidka  ee Soomaaliyeed.

Xildhibaan Fowziya Yusuf  Xaaji Adan, ahna  Guddoomiyaha xisbiga National Democratic Party.

 Batoole Sheekh Ahmed Gable– Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Yusuf Hassan Mursal– Saxafi rugcadaa  ah.

Guddoomiyaha Madasha Kulan forum for ideas and debates C/qaadir  Axmed Shirwac  oo madasha furay ayaa sheegay  sababaha ay u fureen madasha in ay tahay in la helo fagaaro lagu sameeyo  doodo dhaxalgal u noqda isla hanaqaadka qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed

“ Madashan ma ah mid cid si gaar ah u leedahay ee waa madal loo sameeyay in dhamaan qaybaha kala duwan iyo mowdooyocda heer qaran ee xal u baahan lagaga wada hadlo Waxaan rabnaa in aan horseedno dhaqan wadahadal madani ah  in lagu xaliyo dhammaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha dalkeena ka jira” ayuu yiri Guddoomiyaha Madasha Kulan.

Maadaama bulsho ra’yid ah oo xoog leh ay muhiim u tahay hanaanka dib u dhiska hay’adaha kala duwan ee dalka waxaa madaxda ururda bulshada rayidka ah lagu taliyay in ay doorkooda xoojiyaan.

“ Bulshada Rayidka ah ayada ayaa laga rabaa in ay qayb ka noqoto ajandaha dalka, ma ah in ay dawladda ku dhahaan hana lagu daro ajandaha, waa in ay qayb firanficoon ka qaataan ayagu” waxaa sidaasi tiri Xildhibaan Fowziya  Yusuf Xaaji Adan.

Guddomiyaha ururada bulshada rayidka ee Soomaaliyeed Cusmaan  Muxayadiin Macalim ayaa isna dhiniciisa sheegay in ay diyaar u yihiin, qorshana ka sameeyeen siddii loo xoojin lahaa  kobcinta doorka bulshada rayidka ee dhammaan qaybaha kala duwan ee dalka.

Marwo Batuulo Sheekh Ahmed Gabale- Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa iyaduna dhinceeda soo dhawaysay in dib boorka looga jafo doorka bulsho ra’yid ah si ay qayb laxaad leh uga qaadato dhamaan arrimaha dalka ka jira.

Yuusuf Xasan Mursal oo ah Qabiir saxaafadeed waxaa uu tilmaamay in bulshada rayidku ay taariikh ahaan door xooggan ku lahaayeen dhisida dowladnimmada waqtigaaan looga baahan yahay in doorkoodii ay qaataan.

Wadahadal bulsho oo miradhal ah iyo xoojinta doorka bulshada rayidka  ayaa la isku raacaay in xooga la saaro.

Madasha Kulan waxay xoogga saaraysaa siddii loo heli lahaa wadahadal bulsho oo horseeda dhaqan bulsho oo dulqaad iyo wax soo saar maskaxeed qiimeeya.