SAWIRO:- Suuqa Bakaaraha oo Dab xoogan qabsaday

0

Waxaa sii xoogeysanaya dab ka kacay Suuqaweyn ee Bakaaraha qeybo ka mid ah kaas oo ku faafay qeybo kale oo Suuqa ah.

Waxaa lagu soo waramayaa in markii hore uh dabka ka kacay qeybta Huudheyda lagu iibiyo,hayeeshee Goobo kale oo Ganacsi uu ku baahay.

Khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan ayaa lagu soo waramayaa in dabka uu geystay,waxaana hadda suuqa ku sugan dad Ganacsato u badan iyo Ciidamo,waxaana sidoo kale Goordhow gaaray Gawaarida dab demiska.

Waxaa socda dadaalo dabka lagu deminayo,waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidamo ka tirsan dowladda oo Suuqa ku sugan si hantida dabka ka badbaaday ay Burcada uga celiyaan.