RW Khayre Oo La Kulmay Sii-Haayaha Xilka Ergayga QM

0

Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii haayaha xilka ergayga qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Rai Zenenga.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa fahfaahin ka bixiyay qodobadda ay ka wada hadleen mas’uulkaan ka tirsan xafiiska UN-ka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tibaaxay inay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadda oo muhiimada 1aad la siinayo danta dalka iyo dadka.