Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inuu baarayo sababaha keena gubashada Suuqa Bakaaraha

0

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay in dabkii ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ay ku baaba’da hanti badan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay xakameeyeen dabkaas, kaasoo dhalin lahaa khasaare intaas ka badan, waxaa uu tilmaamay inay wadaan baaritaan.

Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan sababaha keena gubashada Suuqa Bakaaraha iyo hantidii lagu waayay.

Dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa ka billowday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda, isagoo kusii faafay qeybaha Maacuunta, Hilibka, Dukaamo iyo Guryo halkaas ka dhowaa.

Dabka oo saacado socda ayaa markii dambe waxaa damintiis gacan ka geystay Maamulka Gobolka Banaadir, Shirkadaha madaxa banaan iyo dadweyne is xilqaamay, iyadoo Ciidamada ay sugayeen ammaanka.