DAAWO:- Madaxweynaha Koofur Galbeed oo safarkiisii labaad doorashadiisa kaddib ku tagay Baraawe

0

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose, halkaasoo ahCaasimada rasmiga ah ee Koofur Galbeed.

Wafdiga Madaxweynaha oo diyaarad ku tagay Baraawe ayaa waxaa wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan ka tirsan Koofur Galbeed, iyadoo soo dhoweyn ay u sameeyeen maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo kan degmada.