Aqalka Sare oo soo xiray kalfadhigiisa 4aad, iyadoo uu hakaday wada shaqeyntii Golaha Shacabka

0

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo xiray kalfadhigiisii afaraad ee soo socday, waxaana kalfadhiga lagu soo xiray qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha.

Qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 4aad uu xirmay, isagoo xusay in 10-ka bisha Maarso uu dib u furmi doono Kalfadhiga.

Go’aanka loo cuskaday soo xirida Kalfadhigan ayaa kala ah qodobada 74aad iyo 23aad ee Dastuurka KMG, kaasoo dhigaya in Golaha uu sanad-kasta yeelanayo labo Kalfadhi, isla markaana mid kasta uu socon doono muddo afar bil.

Kalfadhiga 4aad ee Golaha Aqalka Sare ayaa soo gabagaboobay, iyadoo uu hakaday xiriirkii iyo wada shaqeyntii u dhaxeysay Golaha Shacabka, waxaana Aqalka Sare uu eedeymo u soo jeediyay Golaha Shacabka oo ku saabsan in awoodihii dalka ee sharci dejinta iyo xiriirkii dibadda uu isku koobay.