AKHRISO:- Wasaaradda Amniga oo xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska

0

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay xabsiga dhigtay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sarkaalka la xiray ayaa lagu magacaabayay Yuusuf Xundubey, waxaa uu ka soo muuqda muuqaal la soo geliyay baraha bulshada, isaga oo gacan ka hadal dhex maraya gabar, iyadoo gabadhaas la sheegay inay aheyd xaaskiisa hore

“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.

Muuqaalka baraha bulshada hareeyay ayaa ahaa mid ay si toos ah ama Live u soo gashay gabadha xilliga muranka u dhaxeeyay, waxaana sarkaalka xilligaas uu xirnaa dharka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.