SAWIRRO:-Madaxweynaha cusub ee Puntland oo shir guddoomiyay kulankii u horeeyay ee Golaha Wasiirada

0

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Siciid C/llaahi Maxamed Deni ayaa markii u horeyay maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Puntland, kaasoo qabsooma toodbaadkiiba maalinta Khamiista.

Madaxweyne Deni waxaa shirka ku wehlinayay Kuxgeenkiisa koowaad Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxaana Warbixino loogu dhageystay Wasiirada Puntland, taasoo la xiriirta sidii shaqada u socon leheyd, maadaama lagu jiro xilli guur.

Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta waxaa sidoo kale ka soo muuqday Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo kuxigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cumar (Cameey), kuwaasoo ku haray wareegii Koowaad ee doorashada dhacday maalintii Talaadadii 8-dii bishan.

Gaas iyo Cameey ayaa Wasiirada ka dalbaday inay la shaqeeyaan Hoggaanka cusub ee Puntland, iyagoo dhankooda mar kale ku celiyay iney garab taaganyihiin Siciid Deni.
Si kastaba, Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saacado yar kaddib doorashadiisa, xannibaad ku soo rogay dhammaan Kharashaadka dowladda ee ku kaydsan bankiga dhexe iyo xisaabaadka ay dowladda Puntland ku leedahay xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagula socod-siiyay wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe ee dowladda,xisaabiyaha guud ee Puntland iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, ayaa lagu amray in aan wax kharash ah laga saari karin, dhammaan akoonada dowladda laga bilaabo Talaadada Toodbaadkan oo eheyd maalintii doorashada.