Howlgal Ka Socda Xaafado Ka Tirsan Magalada Marka

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Millateriga ayaa saakay waxa ay howlgal ka wadaan Xaafado ka tirsan Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaas ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weereen saldhigyo Ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafadaha Obasiibka iyo Xaafad Ruusiya ee Magalada Marka.

Ciidamada Dowladda ayaa howlgalka ka wada Xaafado ka tirsan Marko sida aan Wararka ku heleyno,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in mararka qaar ay Guryaha baaritaano ku sameynayaan.

Goobihii xalay dagaalka uu ka dhacay ee Magalada Marka ayaa saakay ah mid jawigooda uu degan yahay,waxaana saraakisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen inay weerarkaas Shabaab uga ymid ay iska difaaceen.