DHAGEYSO:-Hogaamiyaha Jubbaland Oo Faah Faahiyay Dagaalka Ka Dhanka Ah Shabaab Ee Jubbooyinka

0

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Maodobe) oo ku sugan degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee uu ka wado Gobolada Jubbaland.

Axmed madoobe wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo marka hore cadowga lagu naafaynayo taas oo dhabaha u xaaraysa in la jabiyo Shacabka ayuu sheegay Madaxweynahu in ay Ciidamada u yeedhayaan oo ay leeyahiin noo kaalaya sidaas darteedna ayna jirin sabab looga sii maqnaado.