AKHRISO:- Weerar Bambaano Oo Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid

0

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa weerar bambaano oo khasaaro geystay waxaa lagu qaaday Xarunta Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Goobjogayaal aan la hadalnay ayaa waxa ay Allgalgaduud u sheegeen in Bambaanooyinkaas lagu tuuray Gudaha Xarunta xili Shaqooyin ay ka socdeen Xarunta degmada.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in bambaanooyinka qaar ay ku dhaceen Gudaha Xarunta,isla markaana ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dacwooyin u tegay Xarunta dgemada.