Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha oo Markale ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan

0

Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii labaad ka qeyb qaatay Ololaha ballaaran ee Isxilqaan, kaas oo lagu dhisayo Tiyaatarka iyo Matxafka Qaranka.

Howlwadeenna madaxtooyada ayaa la arkayey iyagoo fulinayo shaqada dhismaha Matxafka, sida inay qaadaan Waxyaabaha dhismeyaashii burburay oo kuwa cusub lagu badeli doono iyo qalabka dhismaha oo qaarkood aad u culusaa.

Ismaaciil Macallin Cabdullaahi oo ka mid ah Saraakiisha howlwadeenna Isxilqaan kana tirsan wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ku ammaanay shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka si hufnaanta leh ee ay u guteen waajibka uga aaddan dhismaha Matxafka Qaranka.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Drs. Aamiina Saciid Cali ayaa ku dhiirogelisay dhammaan shaqaalaha dowladda inay kaalin muuqata ka qaataan Barnaamijkan Isxilqaan.

Dhismeyaasha Tiyaatarka iyo Matxafka Qaranka waxa ay ka mid yihiin Taariikhda Dalka, waxaa rajo weyn laga qabaa in si casri ah loo dhiso sannadkaan inta uusan dhammaan, si loo soo nooleeyo adeegyadii ay u hayeen Bulshada ku nool dalka oo dhan.

Barnaamijka IS-XILQAAN oo 26 July ee sanadkii hore uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si dardar leh uga socda wadanka iyada oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.