DHAGEYSO+SAWIRO:- Shir looga hadlayeey walxaha Qarxa oo Muqdisho ka dhacay

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta magaaladda Muqdisho ka furay Shir wada-tashi ah oo ku saabsan ka Hortagga Qaraxyada gacan ku sameyska ah.

Shirkan ayaa ka qeyb galay Qaar kamid ah Saraakiisha Amniga, Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Amniga gudaha XFS iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado ka hortagga Qaraxyada, isaggoo isaggoo xusay in la dejin doono qorshe cad oo looga hortagayo Waxyaabaha Qarxa.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan ka hortagga Waxyaabaha qarxa, islamarkaana looga baahan yahay in ay ku war geliyaan Ciidanka haddii ay arkaan dad ku howlan falal amniga lid ku ah.