SAWIRO:- Hogaamiyaha Jubbaland oo maanta tagay degmadda Afmadow

0

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo aayaa goordhow gaaray Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Hogaamiyahaayaa safar uu uga gol leeyahay abaabulka iyo dardar galinta howlgalka xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe waxaa uu ugu yimid Ciidamada Dowlada ee ku sugan Afmadow iyo deeganada ku xeeran si uu u dhiri galiyo ulana qaybsado duruufta ay ku shaqaynayaan.

Inta uuHogaamiyaha joogo Afmadow waxaa kale oo u la kulmi doona qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in hadafka socdaalkiisu uu yahay xoraynta Caasimada Jubbaland isagoo ay wehelinayaan masuuliyiintii Gobolka ee dhawaan la magacaabay dadweynaha ayuu ugu baaqay in ay ka qayb qaatan howlgalka socda oo ay garab istaagan Ciidamada geeesiyaasha ah ee u taagan xoraynta dalka