Siyaasiga Faarax Macallim Oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Ay DFS Ku Cayrisay Nicholas Haysom

0

Siyaasiga Faarax Macallim oo ka tirsan Siyaasiyiinta Soomaalida-Kenya waxa uu Tallaabo weyn ku tilmaamay go’aanka  Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Kheyre ee lagu eryey Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Nicholas Haysom.

Qoraal uu Faarax Macallim soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu ku sheegay in  ay wax kasta kala cad yihiin inay dalka Somalia leeyihiin Soomaalida.

Dhinaca kale, Siyaasiga Faarax Macallim oo horey u ahaa G/Xigeenkii Barlamaanka dalka Kenya ee sannadihii 2008-dii ilaa 2013-kii waxa uu qoraalkiisa ku xusay Baaq uu Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre kaga dalbaday inay marka xigta nadiifiyaan Xalane, Deegaanadda Khaaska ee Dhaqaalaha iyo Badda (EEZ).