SAWIRRO:-Wasaaradda Batroolka Soomaaliya iyo Maalgashadayaal Qatar Ka Socda oo is-afgarad Kala Saxiixday

0

Wasaaradda Batroolka iyo macdanka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Khayraadka Macdanta iyo Batroolka dalka Qatar ayaa is-faham ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho

Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah koox maalgashadayaasha Qatariyiin ah oo Muqdisho ku sugan ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka.

Wasiirka wasaaradda, Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada wasaaaradda laga caawinayo.