SAWIRRO:-Shirkadda Korontada BECO Iyo Maalgashadayaal Qadar Ka Socda oo Is-Afgarad Kala Saxiixday

0

Shirkadda Korontada BECO iyo Maalgashadayaal ka socda dalka Qatar oo Muqdisho u jooga qorshayaal maal gashi ayaa maanta kala saxiixday is-afgarad qorshihiisu yahay in lagu horumariyo korontada dalka

Cabdiraxmaan Cali Jaamac oo ah guddoomiyaha Shirkadda Korontada BECO ayaa is-afgaradka u saxiixay dhanka shirkadda.

Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo ah madaxa kooxda maalgashadayaasha Qatar ee Muqdisho ku sugan, ayaa dhanka Maal-gashadayaasha isna u saxiixay is-afgaradaka.