Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Dhabeeyay Ballanqaadkiisii Ilaalinta Madaxbanaanida Dalka

0

Tallaabada Dowladda Soomaaliya ay ku ceyrisay Wakiilki QM Somalia Neckolas Heytham ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay qeybaha Bulsho weynta  Soomaaliyeed iyagoona ku tilmaamay in ay ka marag kaceyso fulinta Ballanqaadkii Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa in uu soo celinayo Sharafka iyo Heybaddii dalku lahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Go’aankan uu ka danbeeyay kadib markii Haysom uu si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u farageliyay madax banaanida dalka.

Sida ay qabaan shuruucda Caalamiga ah waxaa waajib ku ah Danjirayaasha inay xushmeeyaan sharciga iyo nidaamka dalka loo diray, waxaa kale oo waajib ku ah inaysan faragalin arrimaha gudaha ee dalka uu joogo.

Heshiiska Jineefa “Geneva Convention” Qodobka 3-aad farqadiisa B, ayaa qoraya in wakiil walba ay waajib ku tahay inuu u hoggaansamo oo kaliya inta uu u ogalyahay qaanuunka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ma eryi kartaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.?

Sida uu qorayo Qododka 9-aad ee heshiiska Jineefa “Geneva Convention” dalkasta xaq ayuu u leeyahay Wakiilka loo soo diro inuu iska diidi karo ama eryi karo, iyadoo waliba anaan wax sharaxaad ah laga bixin sababta.

Dalka ama hey’adda soo dirsatay wakiilka waxay kala dooranayaan in ergayga la dacweeyay shaqada laga joojiyo ama in la badalo.

Dowlado badan ayaa horay u qaatay go’aanka nuucaan oo kale ah oo dalalkooda ka saaray wakiilo badan oo ka socday dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Dowladda Croatia ayaa horay u cayrisay Carl Bildt oo ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee dalkaasi, waxayna ku eedaysay inuu lumiyay awoodihii lagama maarmaanka ahaa ee dhex dhaxaadinta wada hadaladii nabadda ee dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horay u sheegay horumarka iyo waxa u wanaagsan Soomaaliya inay ka tashanayaan oo kaliya Dadka Soomaaliyeed.

Mar uu la hadlayay boqolaal shacab ah oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda waxa uu wacad ku maray  in dowladdiisu Masiirka dalka cidna aysan uga heybeysan doonin ayna soo celin doonto qabkii dalku lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa isna cod dheer ku sheegay in cidna aysan ka aqbali doonin in dowladda iyo shacabkeeda loo dhexeeyo.

Dad badan ayaa rumeysnaa Burburkii kadib in dowladaha dalka majaraha u qabanyay u muuqdeen kuwa maqaar saar ah , marka loo eego dhaqamada Shisheeyaha iyo  Gafafka ay ku kacayeen oo qaarkood Uur ku taallooyin reebay laakiin tallaabadaan ayaa  rajo gelisay inbadan oo ka mid Bulsho weynta Soomaaliyeed oo Sagaashameeyadii ay ugu dambeysay dowlad Qab leh.