Howlgal Militari oo xalay laga fuliyay Jubada hoose

0

Wararka ka imaanaya Deegaano hoostaga Degmada Afmadow ee Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay ilaa iyo Saakay ayaa sheegaya in  dhaqdhaqaaqyo military ay ka wadeen deegaanadaasi.

Shalay ayay aheyd markii Gobolka Jubbada Hoose ay gaareen  Ciidamo aad u badan  oo ka tirsan kuwa Jubbaland,kuwaas oo diyaarado looga daabulay Magalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.

Ciidamada ayaa waxaa ay howgal military ka wadaan duleedka degmada Afmadow ee Gobalka Jubada Hoose, kaasi oo  ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanada ay gacanta ku hayaan Dagaalamayaash Al-Shabaab.

Taliyaha Cusub ee dhawaan  loo Magacaabay holwgalka Jubbaland ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa wacad ku maray in Jubbaland ay u diyaar garowday dagaalka ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa  uu sheegay in Howlgalada ay bilaaban doonaan maalmaha soo aadan, islamarkaana ciidamada xiligan la diyaariyay.