Gudoomiyaasha Degmooyinka oo laga dalbaday in isbadel deg deg ay la yimaadaan Sanadkan 2019

0

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo uu guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa lagaga hadlay qorshaha faya dhowrka Caasimadda, amniga, Olalaha Isxilqaan iyo fursadaha shaqo abuurka dhallinyarada ee sanadkan 2019.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la wadaagay Maamulka Degmooyinka muhiimadda ay leedahay dardar gelinta bilicda Caasimadda iyo baahinta adeegyada asaasiga, isagoona sheegay in sanadkan la kordhindoono kormeerka iyo la socodka shaqooyinka joogtada ah ay u xilsaaran yihiin dawladaha Hoose ee Degmooyinka Gobolka.

Shirkan ayaa ku qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Deyniile, iyadoona Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ay soo bandhigeen qorsheyaashooda waxqabad ee ku aaddan sanadkan ee arrimaha bulshada, la dagaalanka musuq maasuqa iyo baahinta adgeeyada asaasiga ah.

Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyeyaasha cusub ee dhawaan loo magacaabay Degmooyinka Cabdicasiis iyo Yaaqshiid, iyagoona kula dardaarmay in ay si siman uga adeegaan bulshadooda, dadaalna geliyaan baahinta adeegyada asaasiga ah.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyey sida bulshada Gobolku ay uga qeyb qaadanayaan Olalaha Isxilqaan, kaddib markii muddo kooban lagu hirgelyey qorshaha dib u dhiska Tiyaatar-ka, Garoonka Muqdisho iyo Madxafka Qaranka.

Sidoo kale, En.Yarisow iyo maamulka Degmooyinka ayaa kormeer ku tagay mashaariic horumarineed oo ka socda degmada Deyniile oo shirka marti gelinaysay, mashaariicdaas oo ay ka mid tahay garoonka diyaaradaha ee Degmada Deyniile, waddooyin iyo xarunta degmada oo dib u dhis lagu wado.