Akhriso:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Oo Sameeyay Xilka Qaadis Iyo Magacaabis

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa isbedel ku sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay Guddoomiye ku xigeenada Gobolka,waxaana sidoo kale uu Magacaabay Xoghayaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.