Akhriso:-Golaha Ammaanka ee QM oo kulmaya iyo Nicholas Haysom oo khudbad ka jeedinaya

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta oo Khamiis ah shir isugu imaanaya, iyadoo kaga hadlaya xaalado kala duwan, qeyb ka mid ah shirka ayaa looga hadli doonaa xaalada Soomaaliya.

Shirkan oo furmi doona marka ay saacada geeska Afrika tahay 4-ta Galabnimo, halka saacada New York tahay 10-ka subaxnimo.

Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan dowladda Soomaaliya soo saartay qoraal ay ku cadeyneyso in aan dalka laga rabin, kana shaqeyn karin ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo kulanka, kaasoo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya.

Khudbadda Wakiilkii Qaramada Midoobey ayuu uga hadli doona arrimaha siyaasadda, bani’aadanimada iyo xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, waxaa la filayaa in si gaar ah uga hadlo arrintii dhowaan ka dhacday Baydhabo ee sababta u noqotay go’aanka dowladda ee ay dalka uga eriday.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulanka ka hadlo Wakiilka joogtada ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle, waxaa la filayaa inuu difaaco go’aanka dowladda Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa war ka soo saaraya xaalada Soomaaliya ceyrinta Wakiilkii Qaramada Midoobey iyo arrimo kale, iyadoo si aad ah loo sugayo tallaabada iyo jawaabta Qaramada Midoobey.