SAWIRRO:-AMISOM Oo Abaalmarisay Saraakiil Ka Tirsan Wadamada Ciidamada Ka Joogan Somalia

0

Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM  waxay abaalmarin Bilado iyo sharaaho sharaf guddoonsiiyeen 52 Saraakiil Nilliteri, kuwaasi oo ku muteystay abaalmarintaasi sida ay Waajibkooda u guteen muddadii ay ka hawl-galayaan Somalia.

Munaasabadda abaalmarinta  oo  lagu qabtay Xarunta dhexe ee Ciiddanka AMISOM ee magaalladda Muqdisho waxaa Abaalmarinta la guddoonsiiyey Saraakiil ka kala socotay dhowr Waddan oo Afrikaan ah, kuwaasi oo taageero ka geystay Hawlgalladda AMISOM ee dhinacyada Sirdoonka, Isgaarsiinta iyo Arrimaha Rayidka iyo Milliteriga.

Afhayeenka AMISOM, Gaashaanle Sare Richard Omwega waxa uu sheegay inay AMISOM sii wadi doonto in la abaal mariyo Saraakiisha ee Taageeradda Xasaasiga ah ku caawiya Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.