DHAGEYSO:-Ciidamada Xooga Dalka Oo Gurmad U Sameeyey Kooxda Macawuusley Ee Dagaal Kula Jirta Al-Shabaab

0

Taliyaha qeybta 27aad  ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa waxa ay kulan la qaateen Ciidamo la magac baxay mucaawiisley,kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Saraakiishaan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ay booqashooyin ku marayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,iyaga oo u kuurgalayay xaalada amni ee deegaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha qeybta 27aad  ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa waxa ay deegaanka Ceel Muluq oo hoostaga degmada Cadale ay kulan kula qaateen  Ciidamada Kooxda la Magac baxay Macawuusleyda,isaga oo balan qaad u sameeyay.